Mudane Abti-doon ? Qoysaska waxaan idi leeyahay caruurtiina geeya goobaha talaalka dabaysha?

Cadaado, August 18, 2013 – Maamulka Xibin iyo Xeeb ee gobollada dhexe ee dalka ka jira ayaa waalidiinta deegaankaas ugu baaqaya ina y ka faa?iideystaan, talaalka dabaysha oo dhowaan furmaya.

Madaxa caafimaadka Xibin iyo xeeb oo la hadlay war-baahinta gudaha Dr. Daahir Cali Abti-doon wuxuu sheegay in ay mar kasta muhiim tahay in caruurta deegaanka la talaalo.

Waalidiinta deegaanka wuxuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan, diidmada ay ka muujiyaan dhibcaha talaalka dabaysha ee ay shaqaalaha caafimaadka wadaan.

Abti-doon wuxuu ugu baaqay waalidiinta xataa in ay caruurtooda geeyaan goobaha talaalka uu yaalo ee xaruumaha caafimaadka ah, taasi oo ah ka hortag wanaagsan, maadama wadanka uu haatan ku sii fidayo xanuunka dabaysha.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com