Al-shabaab oo sheegay in ay hub ku furteen dagaalkii ay ku qaadeen Galgamala oo ka tirsan Kenya

Gaarisa, August 18, 2013 – Ururka Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya ayaa guul wanaagsan ka sheegtay, weerar ay dhowaan ku qaadeen deegaanka Galmagala ee ka tirsan gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay shabaab oo la yiraahdo sheikh cabdicasii Abu Muscab, wuxuu sheegay in dagaalkaasi ahaa mid la qorsheeyey oo ay ururku ku qabsadeen deegaanka, wuxuu xusay in ?ay halkaas ku dileen 5 ka tirsan askarta Kenya.

? Wey noo suurta-gashay in aan weerarno oo dagaal qabsano Galmagala oo ka tirsan Kenya, waxaan dilay shan ka tirsan booliska deegaanka,? ayuu yiri Abu muscab.

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in ay deegaanka ku nasteen isla markaas ay soo furteen hub kala duwan oo deeeganka yaalay, arintaani maaha mid lagu shaaciyey wararkii horey u soo baxay.

Gudoomiyaha Gaarisa oo la hadlay Reuters, wuxuu sheegay in deegaanka lagu dilay Afar ka tisan booliska markii ay halkaas qabsadeen 40 dagaal yahan oo ka tirsan ururka, ma jirto ilaa hadda tiro khasaare oo soo gaartay al-shabaab oo la xaqiijiyey.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com