Mudaharaadyo Garoowe Ruxay iyo Saameynta Shilinka Faalsada (sawirro)

Mudaharaadyo Garoowe Ruxay iyo Saameynta Shilinka Faalsada (sawirro)

Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ka dhan ah sicir bararka, kororka qiimaha lacagta dollarka iyo diidmada ganacsatada ee lacagta shilling ka Soomaaliga.

Dibad baxaan ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal shacab ah oo isugu yimid ugu dambayn barxadda weyn ee Garoowe, iyagoona ganacsatada iyo dowladda ugu baaqay in wax laga qabto baahidooda iyo dhibaatada haysatada dadka danyarta ah.

Dhanka kalena, magaalada gaar ahaan suuqa xoolaha waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen dad reer guuraa xoolo keenay ah u badnaa oo xiray wadooyinka suuqa soogala, waxaana ay ka cabanayeen sicir bararka.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com