HomeUncategorized

Mudaaharaad khasaare gaystay oo looga soo horjeedo maamulka Somaliland oo ka dhacay Laascaanood, Sool.

Laascaanood, Mar 06 - Mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka Somaliland ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

DHAGEYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir _Axad_27
Guddiga doorashada Puntland oo maanta soo afmeeraya howsha is diiwaan-gelinta musharixiinta
Al-shabaab oo sii daysay Shaqaale ka tirsan hay’adda MSF

Laascaanood, Mar 06 – Mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka Somaliland ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Mudaaharaadka ayaa ka dhashay shir huteel Xamdi uga furmay wasiiro iyo xildhibaano ka socday Somaliland oo todobaadadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Laascaanood.

Banaanbaxayaasha ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn wada-hadal inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin gobollada Sool, Sanaag & Cayn, uguna baaqay Somaliland in ay ciidameeda kala baxdo gobolladan.

Mudaaharaadku waxaa uu salka ku hayaa colaadda ka aloosan Kalshaale, Hagoogane & Maygaagle oo uu dagaal ku dhex maray ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland; colaadda Kalshaale ayaa bilaabatay bishii Nofembar ee sannadkii 2010.

Maxamuud Jaamac oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha oo aan waraysanay ayaa sheegay in ay jiraan dad rayad ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen xabad ay bilaysku rideen, halka ay jiraan caruur iyo dumar ay jiireen gawaarida ay wateen ciidanka bilaysku.

Ciidanka bilayska ee magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in ay adeegsadeen xabad si ay u kula cayriyaan dadka isugu soo baxay huteelka Xamdi oo uu ka socday shir albaabadu u xiran yihiin oo aan saxaafada loo ogolayn.

Tiro dad ah ayaa la sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen, halka tiro kalena la sheegay in loo taxaabay xabsiga magaalada.

Maalmo ka hor ayaa shir ka dhacay huteel Xamdi uu ku dhamaaday buuq, laguna kala tagey.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: