Cambaarayn been-abuurkii ?Ninkii la yidhi Isaaqa ayuu shirarka ku soo xidhaa?

Ka: Garaadka, Aqoonyanka Culimaaudiinka, iyo Waxgaradka Beesha Guulleed Garaad

Ku: Saxaafada Xorta Ah
Ku: Beesha Dhulbahante
Ku: Soomali Weyn.

Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Taariikh: 3/3/11

Ujeedo: BEEN-ABUURKII ?NINKII LAYIDHI ISAAQA AYUU SHIRARKA KU SOO XIDHAA?

Annagoo kalla ah Garaadka, Odayaasha, Waxgaradka, iyo Aqoonyahanka beesha Gulleed Garaad (Barkad) ee ku sugan dalka dibadiisa, waxaanu beeninaynaa islamarkaana cambaaraynaynaa qoraal cinwaankiisu ahaa ?Waa Kuma Ninka Shirarka Dhulbahante Ku Soo Xidhaa Isaaqa? ee lagu madax goosanayay ninka layidhaahdo Assad Maxamed Awaare.

Haddaba, waxaanu guud ahaan bulshawaynta Soomaliyeed gaar ahaana beesha Dhulbahante la socodsiinaynaa in warka ku soo baxay Shabakada Internetka ee Horufadhi.com oo uu leeyahay wiilka Saleebaan Maxamuud Xaashi Dheere ee Nairobi joogaa uu maalintii ay taariikhdu ahayd February 28, 2011 uu si ula kac ah ugu been abuurtay ninkaa odayga ah ee magaciisu kor ku xussan yahay.

Waxaanu kaloo idinla socodsiinaynaa inuu Assad Maxamed Awaare yahay nin Darwiish ah oo ay aad ugu wayntahay Midnimada Ummada Soomaliyeed. Waa aqoonyahan haysta shahaadada Master-ka, waa ganacsade haysta hanti ku fillan oo illaahay ka deeqtoonsiiyay waxyaalaha wiilkaasi ku been abuurtay. Waa Gudoomiyhii Hore ee SSHDA Minnesota; waa xubin hadda ka mid ah gudida odayaasha ee Sool Sanaag iyo Cayn Minnesota; waa gudoomiyhii jaaliyada dibedda ee dhisay Dugsiga Sare ee Widhwidh, Maktabada- Widhwidh, H/Dhexe Ballicad, H/Dhexe Banyaal iyo ballaadhintii iyo dayactirkii Dugsiga H/Dhexe Widhwidh. Wuxuu goor walba wakhtigiisa iyo maalkiisaba u huraa horumarinta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn(SSC) iyo guud ahaanba Soomaaliweyn. Sidaas darteed, waxaanu aad iyo aad uga raalli gellinaynaa, xaalna ka siinaynaa Been-Abuurka uu wiilkaa yari ka qoray. Issagana waxaanu ku boorrinaynaa inuu muujiyo samir iyo dulqaad, hawlihii uu ummada u hayayna sii laban laabo.

Waxaanu kaloo faraynaa Saleebaan Maxamuud Xaashi Dheere inuu Illaahay SWT uga toobad keeno IFKIGA uu ku tallaabsaday, islamarkaana been-abuurkii uu qoray raalli-gellin buuxda ka bixiyo.

Wa Billaahi Tawfiiq.

1-Garaad, Abshir Saalax Maxamed

GUDIGA GUURTIDA IYO ODAYAASHA EE NORTH AMERICA

1-Oday Maxamuud Cismaan Cawad
2-Oday Xaaji Cali Axmed Geelle (Cawil)
3-Oday Xaaji Axmed Maxamed Qodax (Qalloocow)
4-Oday Cabdi Cali Dheeg
5-Oday Cabdirisaaq Xirsi Dhabarlow
6-Oday C/qaadir Max?ed Abokor (Shalakhbeen)
7-Oday Maxamed Cali Baarwayn

AQOONYAHANADA IYO CULIMADA

1-Aqoon yahan Mahdi Maxamuud Cali
2- Korneeyl Yuusuf Maxamed Samtar
3- Aqoonyahan,Yuusuf Max?ed C. Bunay
4-Aqoonyahan, Maxamuud Cali Qodax
5- Aqoonyahan, Maxamed Xuseen Cabdi
6-Aqoonyahan, Axmed Aadan Jiifyare
7-Sheekh Maxamed Hambaase
8-Sheekh C/salaam Xaaji Xirsi
9-Sheekh Maxamuud Axmed Cabdi(Gacanlow)
10-Sheekh Sahal Xassan Qoobeey

Wixii warbixin dheeraad ah kalla soo xidhiidha

1-Sheekh Maxamed Hambaase, [email protected]
2-Sheekh C/Salaan X. Xirsi, [email protected]
3-Maxamed Cali Baarwayn, [email protected]
4-C/Salaan Ruuraa, [email protected]
5-Yuusuf Maxamed Cali Bunay, [email protected]

Garaad Abshir oo ka hadlay been-abuurka:

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com