Miisaaniyada Puntland oo la ansixiyey iyo Maaliyada oo su?aalo laga weydiyey canshuurta (Dhegeyso)

Garoowe, July 28, 2013 – Kadib dood culus oo ay baarlaman dowladda Puntland ka ?lahaayeen arimaha miisaaniyada maalmihii tegey, waxaana si rasmi ah ay maanta uu meel-mariyeen Xilibaanadu miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2013.

Wasiirka wasaarada maaliyada ee Puntland mudane Faarax Cali shire ayaa xilibaanadu su?aalo ka weydiiyeen arimaha Miisaaniyada sanadkan 2013, waxaa aad wasiirka loogu cel celiyey arimaha canshuuraha iyo mushaarka shaqaalaha dowladda.

Mudane Siciid Geele oo ka tirsan Baarlamanka ayaa weydiiyey wasiirka maaliyada ee Puntland, sida laga yeelayo canshuurta dheeraadka ah ee la qaadi jiray, taas oo la sheegay in lagu dar-dar gelinayey nidaamka dimuqraadiyada hase ahaate uu haatan nidaamkaasi istaagay.

Wasiirka? Maaliyada ee Puntland mudane Faarax Cali shire ayaa si rasmi ah goobta uga sheegay in aysan jirin wax canshuur dheeraad ah oo dadka la saaray, taasi oo weliba lagu sumtay in lagu dar-dar gelinayey howlaha nidaamka asxaabta badan.

31 mudane oo ka tirsan gollaha xilibaanada ee Puntland ayaa codkooda siiyey ansixinta miisaaniyada xukuumada Puntland, halka tiro kale oo ka tirsan Baarlamanka ay diideen in ay codkooda ku biirayaan ansixinta miisaaniyada.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka dalbaday Xilibaanada in la faah-faahiyo xeerkaan, maadama uu si rasmi ah u meel-maray, loona baahan yahay in la ilaaliyo.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Dhegeyso war-bixinta miisaaniyada, Abdiweli sheikh oo diyaariyey

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com