Meleteriga huwanta oo maanta la wareegay maamulka degmada Mahaddaay ee shabeelaha dhexe

Mahaddaay, September 19, 2013 – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Mahaddaay ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo ay horey gacanta ugu hayeen ururka Al-shabaab.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyey in ay ciidanku dowladdu gacanta ku dhigeen degmada, kadib duulaan ay saaka ku qaadeen halkaas, in kastoo uusan wax dagaal ah ka dhicin deegmada kadib markii ay ka bexeen Al-shabaab.

Col. Maxamuud Koronto oo ah taliska ciidanka la wareegay degmada Mahaddaay ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ays ii wadi doonaan howgalkooda, oo ay gaarsiinayaan dhowr degmo oo kale oo ka tirsan gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud oo dhowaan booqday Jowhar xaruunta gobolka shabeelaha dhexe, waxaa uu shaaciyey in ay dowladda Soomaaliya bilaabayso howlaha baahinta maamulka iyo in gacanta lagu dhigo deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan gacanta ku hayey gobolka shabeelaha dhexe, waxaase howgalo bilowday sanadkii 2011-ka ay noqdeen kuwa baaxad leh oo sahlay in la qabto inta badan deeganada gobolka, meleteriga huwanta ayaa gacanta ku haya Jowhar iyo degmooyin kale.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com