HomeUncategorized

Mudane Bishaar ?Xalaad bini?aadanimo gaar ahaan caafimaadka oo liita ayaa ka jira Caabudwaaq?

Muqdisho, September 19, 2013 - Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto xaalad bini?aadanimo, gaar ahaan adeegyada caafimaadka ee degmada oo aad u liita.

Ciidanka difaaca Puntland oo ka qaybqaadanaya gurmadka abaaraha.
21 Xildhibaan oo Guddoonka Baarlamaanka Puntland ka dalbaday fadhi aan caadi ahayn
Ahlusuna oo dhaliilay duqayntii ciidamada Kenya ay shalay ka fuliyeen Jilib.

Muqdisho, September 19, 2013 – Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto xaalad bini?aadanimo, gaar ahaan adeegyada caafimaadka ee degmada oo aad u liita.

Qaar ka mid ah xilibaanada baarlamanka dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqay in arintaas wax laga qabto, Xilibaan Bishaar Ugaas Ibraahim ayaa cadeeyey in degmada ay ka jirto baahi weyn oo dhanka daawada ah.

?Cisbitilka degmada ma leh adeegyo dhamaystirsan, mana yaalaan daawooyin dhamaystirsan oo lagula tacaali karo hadba xaalada caafimaad ee bulshada u baahan yihiin? ayuu yiri xilbaan Bishaar Ugaas

Xilibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo la hadlayey qaar ka mid ah war-baahinta Soomaalida, waxaa uu dowaldda dhexe ku amaanay horumar balaaran oo laga sameeyey dhinaca amaanka degmada iyo nabadaynta.

Ugu dambayntii Xilibaan Bishaar waxaa uu dowladda dhexe ugu baaqay in xaalada caafimaad ee degmada Caabudwaaq si wanaagsan wax looga qabto, isla markaasna la gaarsiiyo adeegyo dhinaca caafimaadka ah.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: