Maxay soo kordhiyeen Ganacsatada koonfur Galbeed ee ku sugnaa Puntland 21kii sano ee la soo dhaafay ? (dhegayso)

Tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991kii Puntland waxa ay kamid ahayd meesha kaliya ee umada Soomaaliyeed ay ku nabad galeen intii ay socdeen dagaaladii sokeeye.

dadka intabadan ganacsiga kuleh Puntland waxaa kamid ah shacabka ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya,kuwaas oo si nabad galyo ah ku ganacsada.

wax garadka ka soo jeeda koonfur galbeed ee ku sugan magalada Qardho ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay bulshada dhex gali doonaan kana guursan doonaan maadaama ay Puntland ku noolaayeen mudo ku siman 21sano.

dadka ka soo jeeda maamulka koonfur galbeed ee ganacsiga ku haysta magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa dhaqaalaha intabadan soo gala waxa ay dib ugu celiyaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah maamulka koonfur galbeed oo ay intooda badan yimaadaan.

hadalkan ayay ka sheegeen wax garadka ka soo jeeda Koonfur galbeed kulan ay shalay la qaateen maamulka gobolka Karkaar.
Dhegayso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com