Xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab oo dil toogasho lagu fuliyay

Xubno katirsan Argagixisada Al-shabaab oo dil toogasho lagu fuliyay

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab.

Labadaan Argagixiso ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com