Maxay ka wadahadleen guddoomiye Mursal iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ?

HomeWararka

Maxay ka wadahadleen guddoomiye Mursal iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ?

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika e

WARAYSI: MAXAA LAGA FILAN KARAA GUDDIYAD FARSAMO EE LAMAGACAABAY ? (daawo)
Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga ka Jaray Waddada Abwaan Timacadde ee Muqdisho
Degdeg: Saadaq John oo xilki laga qaaday

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira.

Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka iyo doorashooyinka la filayo sanadka 2020/2021 ka dhacaya Soomaaliya, iyo qaabkii AMISOM uga qeyb qaadan laheyd dhinaca nabadgelyada.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa Guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin Ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada.

“Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/ramaan, waxaa Kulanka ku wehlinayay Xoghayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: