Dibadbax looga soo hor jeeday madaxweyne Waasre oo ka dhacay Baladweyne

Dibadbax looga soo hor jeeday madaxweyne Waasre oo  ka dhacay Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan maanta waxaa ka dhacay dibad bax looga soo hor jeeday xilkaqaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyaya qaar kamid ah wax garadka iyo odayaasha dahaqanka ee degmada Baladweyne,waxayna dibadbaxyadu ay xireen intabadan waddooyinka magaalada dhexmara.

Guudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si cad u diiday inuu xilka wareejiyo,kadib markii Madaxweyne Waare uu xilka qaadis ku sameeyay,isagoona Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com