Markab kuwa shidaalka qaada ah oo si dirqi ah uga bad-baaday burcad-badeed.

Athens, July 06 – Markab nooca shidaalka qaada ee loo yaqaan Oil Tanker islamrakaana lagu magcaabo MV Brillante Virtuoso oo ku gooshayey calanka Wadanka Liberia ayaa waxaa saaka weeraray kooxo burcad badeed ah isagoo marayey badweynta India sidaasina waxaa xaqiijiyey Ciidamada badda ee dalka Kenya.

Kooxaha burcad badeedda ah ayaa rasaas la dhacay markabka taasina waxa ay keentay in uu dab qarxo qayb kamid ah markabka taasina waxa ay keentay in kooxaha Burcad badeedda ah ee markabka fuulay ay isaga degaan.

Dhammaan shaqaalihii markabkaasi oo 26 ahaa islamarkaana la filayo in ay u dhasheen wadanka Philippines ayaa ka badbaaday weerarkaasi ay soo qaadeen kooxda burcad badeedda ah, waxana uu imika markabkaasi kusii wajahan yahay maraakiib dagaal oo ay leeyihin ciidamada la dagalanka Burcad-badeedda ee ku sugan biyaha Somalia.

Kooxdii Burcad-badeedda ahayd ee markabka fuulay ayaa la sheegay in ay si nabad ah uga degeen markab iyagoo aan waxba noqon.

Markabka shidaalka qaada ee MV Brillante Virtuoso waxaa iska leh shirkad dhanka maalgashiga ah oo lagu magcaabo Suez Fortune oo fadhigeedu yahay magaalada Athens ee dalka Giriiga, balse ay imika maamuleysay shirkadda Central Mare Inc ee iyadana fadhigeedu yahay magaalada Athens ee dalka Giriiga.

Weerrada ay ka qaadaan Burcad badeeddu xeebaha Somalia ayaa hoos u dhacay asbuucyadii ugu dameeyey iyadoo sababtu ay tahay dabaylaha xagaagga ee (Monsoon )

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0