Labo qof oo lagu dilay Bossaso iyo mid kale oo lagu dhaawacay; bilayska oo ku raad-jooga raggii falkaasi gaystay.

Bossaso, July 07 ? Labo qof oo shacab ah ayaa dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay kaddib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen meherad laga cuntooyda oo ku taalla bartamaha magaalada gaar ahaanna aggagaarka suuqa-weyn ee Bossaso.

Mid ka mid ah ragga dhintay waxaa la tilmaamayaa in uu isbitaalka ku geeriyooday kaddib markii la gaarsiiyey isagoo qaba dhaawac xooggan, halka qofka kalena uu ku naf baxay isla goobtii falkaasi ka dhacay.

Raggii gayastay weerarka ayaa la tilmaamayaa in ay isla markiiba baxsadeen, haatanna ay ku daba-joogaan ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib gaaray goobta ay wax ka dhaceen.

Wali si rasmiga ah uma cadda sababta falkaan ka dambaysa, hase ahaatee warar xog-ogaal ah ayaa tilmaamayaa suurtagalnimada dhacdadaani in ay salka ku hayso arrimo qabiil iyo aanaysi qabyaaladeed.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com