Maraykanka oo War Ka Soo Saaray Mowqifka Sheekh Mukhtaar Roobow

HomeWararka

Maraykanka oo War Ka Soo Saaray Mowqifka Sheekh Mukhtaar Roobow

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyay ka bixitaanka Abuu Mansuur ee Al-shabaab,waxaana ay dowladda Mareykanka ku baaqd

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Gaas oo Daahfuray Kalfadhigii Barlamaanka iyo Isbeddel ka Muuqda Haalka Baarlamaanka (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyeey wadashaqaynta Federaalka & Somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu bogaadiyay ka bixitaanka Abuu Mansuur ee Al-shabaab,waxaana ay dowladda Mareykanka ku baaqday sii socoshada arrimaha noocan ah.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Mareykanka sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay sidii ay uga caawin lahayd arrimahan.

In Abuu Mansuur ka baxo Al-shabaab ayey Dowladda Mareykanku sheegtay in ay ahayd howl ay hoggaankeeda lahayd dowladda Soomaaliya,Mareykankana ka ahaa taageere.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageersan tahay hanaanka Dowladda Soomaaliya ula dhaqmeyso dadka is dhiibaya ee ka tirsan AL-shabaab,waxaana ay ku baaqday in si wanaagsan loola dhaqmo kuwa horay isu dhiibay iyo kuwa hadda kaddib isdhiibi doona.

Waxaa ay ku baaqday in Dowladda Soomaaliya ay abuurto waddo nabadeed ee dadka xubanaha ka ah Al-shabaab u suuragelin karta in ay ka baxaan,iyada oo intaas ku dartay in dib u heshiisiintana ay kaalin muhiim ah ku leedahay arrintaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: