Maraykanka oo Sheegay in Siyaasaddooda Somaliya aan wax Isbadal ah lagu samaynin

Arbaco, May 13, 2015 (Daljir) — Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Jeff Rathke ayaa ka hadlay Tallaabadii uu Madaxweyne Obama dib ugula laabtay magacaabistii Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Katherine Simonds Dhanani, oo iyady sheegtay inay sababo u gaar ah isaga casishay xilkaasi.

Go’aankeeda ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry uu bishan May 5-dii  booqasho kedis ah ku yimid magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, waxa uu sheegay inaysan wax qlad ah lahayn tallaabadii uu Madaxweyne Obama uga laabtay magacaabistii Ambassador Katherine Simdons Dhananis.

“Waa go’aan ay qaadatay Ambassador Katherine Simonds Dhanani   sababo dhinaca qoyskeeda. Siyaasadeedeena Somalia isma beddelin, mana jiraan warar la xiriira arrintaasi” ayuu yiri Jeff Rathke, oo intaasi ku daray inuu go’aankaasi  yahay mid fudud oo sababo shaqsiyadeed ah.

Afhayeenka waxa kaloo uu tilmaamay inay weli xubno joogaan Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi, kuwaasi oo uu xusay inay ka wadaan hawlaha ku aadan Arrimaha dalka Somalia.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan waxba iska beddelin Siyaasadda Maraykanka ee Arrimaha dalka Somalia iyo tallabooyinkii saxda ahaa ee uu ka hadlay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry markii uu bilowgii bishan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho.

John Kerry waxa uu ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Muqdisho inaysan Dowladda Maraykanka weli waqti u cayimin si ay Diplomaasiyiintooda ugu sugnaadaan  gudaha Muqdisho.

Horey ayuu Madaxweyne Obama waxa uu  bishii February 25-dii ee sannadkan magacaabay Katherine Simonds Dhanani, iyadoo noqotay Danjirihii ugu horreeyey oo ay Maraykanka u soo diraan Somalia, tan iyo markii Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho albaabadda loo laabay sannadkii 1991-kii.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0