Eng Camey oo Garowe ku Qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somalia Mr. Steven Lauwerier

Arbaco, May 13, 2015 (Daljir) — Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-5-2015 aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr. Steven Lauwerier.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey la qaatay Mr. Steven Lauwerier iyo wefdigii la socday ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenow iyo Wasiirka Amniga Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore.

Mudadii uu socday kullanka ayaa waxaa looga hadlay dar dargelinta howlaha horumarineed ee hay’adda UNICEF ka wado gudaha Puntland iyo dib u howlgelinta xafiisyadii ay ka baxeen shaqaalihii hay’adda ee dhawaan qaraxii Garoowe ka dhacay ku geeryooday.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey ayaa madaxda Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya uga mahadceliyey imaanshihiisa Puntland iyo sida ay uga go’antahay in marnaba aysan hakin howlaha muhiimka ah ee ay ka wadaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Mr. Steven Lauwerier ayaa sheegay in qorshaha sanadkoodaan baahsan yahay dhammaana ay adeegyadooda gaarsiinayaan Gobolada iyo guud ahaan Degmooyinka Puntland, waxaana uu tilmaamay in yoolka UNICEF-na uu yahay in ilmo kasta iyo Hooyo kasta ay helaan adeega asaasiga ah .

Ugu dambeyn kullanka ay wada qaateen Madaxweyne Cabdixakiin Camey iyo Steven Lauwerier ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, waxaana laysla meel dhigay hirgelinta mashaariicda hay’adda UNICEF ee Puntland oo si siman loo gaarsiiyo shacabka reer Puntland..

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com