Madaxawayne Farmaajo oo saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka, muxuu ka dhiganyahay sharcigu?

Madaxawayne Farmaajo oo saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka, muxuu ka dhiganyahay sharcigu?

Madaxwaynaha dowlada faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka oo horay uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo awood siinaya dowladda inay maamusho dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalka.

Sharciga oo muddo dheer ay kasoo shaqeeynayeen baarlamaanadii kale duwanaa ee dalka, ayaa waxaa horay uu usoo maray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana soo diyaariyay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta dalka.

Munaasabad kadhacday xarunta maadaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madawaynaha dowladda faderaalka ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, iyadoona lagu soo bandhigay sharciga.

Madaxwaynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay sharcigan in waqti badan la geliyay, islamar ahaantaana lagu dhaqmo.

Muxuu kadhiganyahay sharciga cusub ee isgaarsiinta dalka?

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa markii ugu horreysay hoos imaanaya nidaam dowli ah oo mideysan tan iyo sanadkii 1991’kii.

Ansixinta sharciga isgaarsiinta waxuu dowladda siinayaa awood ay ku maamusho isgaarsiinta dalka sidoo kalena ay ka hesho daqli fara-badan oo dowladda ka xayirnaa.

Sidoo kale sharciga isgaarsiinta dalka waxuu meesha ka saarayaa hanaankii madaxa-banaanaa ee kali ismaamulka ahaa ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida ay ku dhaqmayeen wixii ka dambeeyay 1991’kii.

Waxuu awood u siinayaa dowladda in ay la socoto dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee sharci daradaha ah ee dalka ka dhaca.

Ansixinta sharciga isgaaarsiinta waxuu shaqo adag u dirayaa Wasaaradda Boostada, Tiknoolojiyada & Isgaarsiinta oo ku andacooneysay in Wasaaradda aanay awood u laheyn in ay dib usoo celiso furaha 252 iyo sumadda dotSO (domain-ka dalka) iyadoo aan la ansixin sharciga isgaarsiinta.

“+252 Thailand ayaa laga isticmaalaa, Philippine ayaa laga isticmaalaa, waxaan muhiim ah in sharciyada (isgaarsiinta) la meel mariyo si waxyaabahaas loo joojiyo” ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Wasiirka oo horay uga hadlay faaidooyinka iyo muhimada uu leeyahay ansixinta sharciga ayaa tilmaamay in sharciga uu ganacastada, dadweynaha iyo dowladaba uu siin doono xuquuqdooda:

“Xeerka Isgaarsiinta Qaranka waxaa loogu talo galay inuu difaaco xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha intaba waxa uuna muhiim u yahay horumarinta Isgaarsiinta dalka, haddii sharcigaas uu meel marana waxaa billaaban doona isla-xisaabtan iyo horumarin’”ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada Soomaaliya, Eng Cabdi Canshuur Xasan.

Hadaba Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta waxaa looga fadhiyaa maamulidda iyo soocelinta hantida Qaranka oo furaha 252 iyo domain-ka dalka ay ugu horreeyaan.

Saameynta Dakhliga Dowladda Ay Ku Yeelaneyso

Wasiirka Maaliyadda, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Miisaaniyadda 2017 baarlamaanka ka hor jeediyay ayaa ka dhawaajiyay in dowladda ay shirkadaha isgaarsiinta ka heli karto $100 milyan haddii la ansixiyo sharciga isgaarsiinta.

Waqti xaadirkan shirkadaha isgaarsiinta waxa ay bixiyaan $4.8 million sanadkiiba, waana lacag canshuur ah oo ay iyaga iyo dowladda isla garteen in ay bixiyaan.

Baanka Adduunka oo horay usoo bandhigay warbixin ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya ayaa Dowladda usoo jeediyay in ay canshuur gaareysa 5%-10% saaraan lacagaha kaararka ku hadalka taleefonada ama Landline-ka.

Miisaaniyadda 2017, waxaa la qoondeeyay in 15% canshuur-iib (sales tax) ahaan looga qaado shirkadaha isgaarsiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com