Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland oo Sheegay in ay kala Dhex-galayaan Beelaha Dirirsan

Jimco, September 25, 2015 (Daljir) — Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilahi Camay ayaa maanta oo Jimce ah u qalab qaatay sidii loo dhamayn lahaa colaada ka aloosan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaanka Qoriley, halkaaso beelu ku dagaallamay uu sababay dagaalkooda dhimasho iyo dhaawac.

Camay oo saxaafada la hadlayay isagoo ku hakadey tuulada Jalam oo habeen ka hor koox hubaysan oo ka mid ahaa meelihii ku dagaalamay Qoriley weerar kusoo qaadeen, wuxuna madaxwayne ku xigeenku sheegay inay usoo baxeen sidii loo dhamayn lahaa colaada Qoriley,sido kalena waxa uu cadeeyay inaysan dowladdu kasoo tagi doonin halkaasi inta laga dhamaynayo colaada.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka degan goobaha dagaalku ka dhaceen ay joojiyaan oo nabada qaataan.

Dagaalka Qoriley iyo Cagaarre ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed dadka deegaanku isku qabsadeen, dhowr jeer oo hore ayaa loo howlgalay sidii heshiis loo dhex dhigi lahaa.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com