Madaxweyne Gaas oo ka Digay Colaadaha Deegaanka Qoriley

Jimco, September 25, 2015 (Daljir) —Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo wafdihii uu hoggaaminayay kana soo qayb galay shirka wadatashiga doorashada soo socota ee Soomaaliya ayaa shalay dib ugu soo laabtay magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Madaxwaynaha ayaa baaq u diray beelaha ku dagaalamay Qoriyel, wuxuna sheegay dagaal inuusan wax faa’iido ah keeni karin, loona baahan yahay in laga hortago, sioo kale madaxwaynaha ayaa sheegay inay diyaar u tahay sidii arrintaasi loo damin lahaa.

Dagaalka Qoryeeley oo salka ku hayo dhul biyood ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale maleeshiyo hubaysan ayaa isla xalay dad ku dhaawacay tuulada Jalam oo katirsan Gobalka Nugaal.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com