HomeUncategorized

Madaxweyne Ku Xigeenka dowladda PL oo ka Qayb-galay AASka Xil. Siciid Xuseen

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Camey, wasiiro, xildhibaanno maamulka gobolka iyo kan magaalada Gaalkacyo ayaa ka qayb-galay aas Gaalkacyo loogu sameeyay xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirrir) oo xalay lagu dilay degmadaas.

Dhaliil & Dhiirigelin … 49 sano kadib halgankii xornimadoonka ee Somaliya maxaa laga dhaxlay? [Dhegaysi …]
Idaacadda Daljir oo la guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaal marin kale. [Akhris …]
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Camey, wasiiro, xildhibaanno maamulka gobolka iyo kan magaalada Gaalkacyo ayaa ka qayb-galay aas Gaalkacyo loogu sameeyay xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirrir) oo xalay lagu dilay degmadaas.

Waxaa si lamid ah aaskan ka qayb-galay waxgarad, isimo, culumaa’uddiin, nabad-doonno iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Gaalkaacyo, Waxaana Aaskan uu ka dhacay Qubuuraha Cirjiife ee bariga magaalada.

”Xilli kasta, ha dhawaato ama ha fogaatee, Puntland waxay ballan-qaadaysaa sidii ay ugu soo dhigi lahayd gacanta kooxdii dishay marxuumka nolol iyo keeriba , waxaana la marsiin sharciga doonaa ” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo warbaahinta la hadlay aaska kaddib.

Waxaa madaxweyne ku xigeenku uu tacsi u diray ehellada iyo Qaraabada uu Marxuumku ka geeriyooday oo aan illaa hadda cid loo soo qaban dilkiisa ,waxaana ilaa xalay magaalada ka socday baaritaanno amni sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xildhibaan Saciid Xuseen ayaa la dilay habeenkii xalay isagoo kasoo baxay masjikda Abuu-horura oo ku yaala dhabarka dambe ee Shirkadda Golis, waxaana dilkiisa la sheegay in ay fuliyeen kooxo ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo bambooyin.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo dalka Talyaaniga ku sugan ayaa isna Tacsi ka diray Geerida Xildhibaanka, wuxuuna ku baaqay in shacabka Puntland ay iska kaashadaan sidii amniga loo xoojin lahaa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: