RW Somalia oo maanta golaha barlamaanka ka horjeediyey Barnaamijka xukuumadiisa

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Ra\’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra\’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa.

\”Amnigu waa ahamiydda koowbaad ee Xukuumadda; Haddii uusan amni jirin, dowladnimo ma jiri karto. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, cadowga Al-Shabaab waxay muujiyeen ficilo waxashnimo ah, iyagoo laba jibbaaray gumaadka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa socda tababar ay qaadanayaan ciidamo commandos ah kuwaas oo ka howlgali doona goobaha codowgu kaga sugan yihiin dalka. Tababarka iyo taakuleynta ciidankaas waxaan iska kaashanaya dowladda iyo saaxiibadeena caalamka\” ayuu yiri RW Cumar.

\”Federaaleynta dalka, waxaan ku faraxsanahay inuu furmay, isla markaana si habsami leh u socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Shirkaas wuxuu magaalada Cadaado ka furmay 16-kii April, waxaa haatan heer gabogabo ah maraya xulista odayaasha dhaqanka ee beelaha, kuwaas oo iyana soo xuli doona ergo ansixisa dastuurka maamulkaas, kaddibna soo xuli doonta xildhibaannada baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo kaddibna dooran doona guddoon, madaxweyne iyo ku xigeenno\” ayuu yiri RW Cumar

Sidoo kale, Ra\’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. \”Si aan u xaqiijinno waajibkaan, waxaan sameynnay Wasaaradda Dastuurka, oo masuuliyaddeeda koobaad ay tahay inay hoggaamiso sameynta dastuur dhammeystiran oo dadka Soomaaliyeed heshiis ku wada yihiin. 
Wasaaradda oo garowsan culeyska waajibaadka horyaalla ayaa is-afgarad saddex geesood ah la saxiixatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Dibu Eegista Dastuurka. Is-afgaradkaas wuxuu saldhig u noqonayaa wada shaqeyn dhex marta saddexda hey’adood, oo dhammaantood ka shaqeeya qabyo-tirka dastuurka\” ayuu yiri RW Cumar

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com