Madaxweyne Gaas oo soo Dhaweyn Balaaran kala kulmay Madaxda Itoobiya

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ee gelinkii hore ee maanta ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa goor dhaweyd gaaray Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo Wefdiga la socda ayaa waxaa si diiran dalkaas ugu soo dhaweeyey Raysal-wasaaraha dalka Ethopia Hailemariam Desaleng, wasiirka Arrimaha Bulshada Cabdifatax yare iyo wasiirka Deeganka Belete Tafere Deste iyo masuuliyiin kale .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intay ay ku sugan yinhiin dalka Ethiopia kulamo la qaadan doona Madaxda Qaarada Afrika  ee ka qeyb-galaya shirka Tana Forum, waana shir muhiim u ah Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com