HomeUncategorized

RW Cumar oo Maanta dib ugu soo laabtay Dalka

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.

Aqoon-kororsi u furmay boqol ka mida ciidamada ammaanka Puntland, xilli ay sii badanayaan dilalka qorshaysan.
Isku-dhac dhimasho iyo dhaawac saababay oo ka dhacay xaafadda Horumar ee magaalada Galkacyo.
Madaxweynaha Jubbaland oo u Dhoofay Kenya

Khamiis, Abriil 16, 2015 (Daljir) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.

Ra’iisul Wasaraha iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay sadex maalin waxay ku joogaan dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madax dalkaas, waxayan kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal. Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka” ayuu yiri Wasiir Maareey.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: