HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Qaabilay kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ee Taakulaynta

Jimco, May 01, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 01-May-2015 Hoy-giisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay kaaliyaha xog-Hayaha Qaramada Midoobey ee taakulaynta Mudane Atul Khare.

Dowladda Sucuudiga oo ka hadashay Soomaali lagu xansuuqay Yemen
DHEGEYSO-Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo kahadlay qorshihiisa siyaasadeed.
Burcadbadeeda oo siidaayay markab u kiraysnaa ganacsato reer Somaliland oo ay madaxfurasho u haysteen.

Jimco, May 01, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 01-May-2015 Hoy-giisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay kaaliyaha xog-Hayaha Qaramada Midoobey ee taakulaynta  Mudane  Atul Khare.

 kulankaas uu maanta la qaatay Madaxweyne Gaas Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee taakulaynta iyo weftigii uu hoggaaminayey  ayaa waxaa  kala soo qayb galay madaxwynaha  Maamulku Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam..

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uguhoreyntii  uga tacsiyadeeyey Qaramada Midoobey falkii argagixisanimo ee dhowaan lagula beegsaday   shaqaale katirsanaa Qaramada Midoobey gudaha caasimadda Puntland ee Garooowe, tilmaamayna Inuu aad uga tiiraanyaysan yahay intii kudhimatay intii ku dhaawacantayna uu urajeynayo caafimaad deg-deg ah.

Madaxweyne Gaas ayaa Warbixino kasiiyey kaaliyaha xoghayaha qaramada Midoobey  mudane Atul Khare madasha shirka wadatashiga soomaalida ee dhowaan ka furmay magaalada Garoowe, Shirkaas oo madaxweyne Gaas uu sheegay inuu yahay shir ay ka rajaynayaan inuu kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo  wax tar u leh ummadda soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intiii uu socdey waxyaabihii looga wada hadlay waxaa ka mid ahaa  ladagaallanka argagixisada iyo sidii loo taakulayn lahaa loona tayayn lahaa ciidama dawladda Puntland iyo ciidamada Maamullada Jubba-Land iyo Koonfur-Galbeed.

Sidookale waxaa iyana aad looga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo xoogle hananna kara guud ahaan amniga soomaaliya oo idil.

Dhinaca kale Waxaa iyadana laga wada hadlay in la tayeeyo ciidamada booliska si’loo sugo amniga magaalooyinka si’loo cidhib tiro fal dembiyeedyada iyo wax kasta oo lidi ku ah amniga guud.

Ugu dambayntii waxaa iyana laga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ee uu kujiro waddanka Yeman, amuurtaas oo  keentay in qaxootiyo badan oo isugu jira soomaali , Yemaniyiin iyo dad kale o shisheeye ah , kuwaas oo looga cabsi qabo inay kusoo dhex dhuuuman karaan kooxaha argagixisada caalemiga ah sida Alshabaab iyo Daacish ISIS.

Kulankii maanta  Madaxweyne Gaas uu laqaatay Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey oo ahaa mid aad u muhiim ah ayna kala soo qayb galeen Madaxweynayaasha maamullada Jubba-Land iyo Koonfur-Galbeed ayaa kusoo Dhammaaday Jawi wanaagsan iyo is afgarad.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: