Isimada Puntland oo Qada Sharaf u sameeyay Madaxweyne Xasan iyo Madaxda Maamulada Soomaliya

Jimco, May 01, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam Iyo Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  ayaa  Maanta Dooxada Jibagalle oo ku taala duleedka Bari ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa qada sharaf ugu sameeyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase  oo ah Isimida Gobolka Nugaal.

Qada sharafta ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ka ah , Guddoomiyaha Gobolka Nugaal , Duqa Caasimadda Garoowe iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad uga  mahadceliyey isimida gobolka nugaal marti-qaadkooda iyo is-xilqaankoodaba isagoona tilmaamay soodhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay  mid ay caan ku tahay caadimadda Puntland ee Garoowe.

“Maamulka degmada , kan Gobolka  iyo Isimada Reer Nugaaleedba xafladdan quruxda badan iyo  qadadan aad kusoo dhoweyneyseen walaaleheena martida noo ah iyo annagaba aad nagu marti qaaddeen waad ku mahadsan tihiin, soodhoweyntu wa mid lagu yaqaan Puntland iyo Garoowe, waana waajib aad gudateenoo martida idiin timi ee walaalihiin ee idin soo booqatay inaad soodhoweysaan waajib idin saaran buu ahaa waanad ku mahadsantihiin” ayuu yiri madaxweyne gaaas.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa  isuguna dhankiisa uga mahadceliyey isimida gobolka nugaal iyo dhammaanba bulshoweynta gobolka nugaal soodhoweynihii kala duwanaa iyo qada sharaftan maanta ee ay usameeyeen Isimada dhaqanka ee gobolka nugaal.

“Aadaan ugu mahadcelinaa Madaxweyne Cabdiweli iyo Isimada gobolka nugaal oo sida weyn noosoo dhoweeyey  runtii qada sharaftan ay noosameeyey isimada gobolka nugaalna waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Puntland”

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com