HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo ka tacsiyadeey Geerida Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aya ka tacisyey geerida ku timid allaha u naxariiste Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur(Dirir)oo xubinka aha Barlamaanka Puntland,islamakana koox hubaysani fiidnimadi hore caawa ku dileen isaga iyo mid kamid ah ilaaladiisi magalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Munaasbad lagu maamuusayey maalinta dhirta Soomaaliya oo ka dhacay Galkacyo & 10,000 geed tallaal oo loo qaybiyey bulshada Galkacyo
Madaxweynaha Masar oo maanta wareejiyana gudoomiyaha Midowga Africa.
Hay,ada NESHA Oo la wareegtay qalab lagu sahminayo xogta Jidadka bur bursan ee Puntland.

Sabti, May 09, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aya ka tacisyey geerida ku timid allaha u naxariiste Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur(Dirir)oo xubinka aha Barlamaanka Puntland,islamakana koox hubaysani fiidnimadi hore caawa ku dileen isaga iyo mid kamid ah ilaaladiisi magalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas aya tacsi gaar ah u diray Eheladi iyo qaraabadi uu ka geeriyooday AUN,Xildhibaan Siciid,waxa uu sido kale Madaxweynuhu tacsi u diray golaha wakiilada Puntland iyo shacbiga,waxana uu Marxuunka Alle uga baryey inu janadiisa fardowso ka waraabiyo.

Docda kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ugu baaqay shacabka Puntland inay ka shaqeeyaan xoojinta Amniga,islamakana meel ugaso wada jeensadaan dadka ku howlan falalka Amni daro,waxaa uu Madaxweynuhu tilmaamay in laamaha Amaanku goor hore u howlgaleen xaqiijinta cida ka danbaysay falkan iyo halka lagaso Abaabulay isagoona sheegay in jawaab rasmi ah laamaha Amaanku dhowaan ka keeni doonaan.

Weerarkan oo la sheegay inay fuliyeen labo ruux oo hubaysan ayaan ila hada la ogayn halka lagaso Abaabulay iyo cida ka danbaysay.

By: Maxamed Xalliye

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: