Madaxweyne Gaas oo Booqday Marwo XaawoAadan iyo Caruurtii uu ka Geeriyooday Xildhibaan Dirir

Sabti, Ogoosto 15, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey  iyo sidookale caruurtii iyo xaasaskii uu ka dhintay Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa hoygeeda ku booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin weyn ka qaadatay Nabad-gelyada, Horumarinta Waxbarashada iyo daryeelida dadka danyarta ah ee Gobalka Mudug.

Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin wanaagsan kaga jirta bulshada Puntland ayuu madaxweynuhu  ku bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayso, isagoona alle uga baryey in uu u fududeeyo.

\\\"\\\"

Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu gurigooda ku booqday Caruurti iyo Xaasaskii uu ka dhintay Rabbi ha unaxariiste Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland , gacan ka xaqdarana ay ku dishay magaalada Gaalkacyo.

Qoyska marxuumka ayaa Alle uga baryey in samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo marxuumka .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com