Madaxweyne Farmaajo: Waa in la Ogaado Xaddiga Biyaha si looga Baxo Faqri & Gaajo

Madaxweyne Farmaajo: Waa in la Ogaado Xaddiga Biyaha si looga Baxo Faqri & Gaajo

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu heshiis hordhac ah la gashay shirkad caalami ah oo sahmisa Biyaha ku hoos jira dhulka.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Faraamjo ka sheegay munaasabada furitaanka kalfadhiga labaad ee Xubnaha aqalka Sare oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in qorshaha dowladdu uu yahay in 24-ka Bilood ee soo socota la baaro xadiga Biyaha ku jira dhulka hoostiisa iyadoo la adeegsanayo Setalitka iyo tiknolojiyada kale ee casriga ah.

“Qorshahaan waxay dowladda kaga gol leedahay in laga baxo faqriga iyo Gaajada isla markaana Soomaalida ay isku filnaadaan lana helo biyo ku filan xoolaha iyo beeraha si wax soo saarkooda loo xoojiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com