Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Amray in Kalmadda ‘Arena’ laga Tirtiro Garoomada Ciyaaraha

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Amray in Kalmadda ‘Arena’ laga Tirtiro Garoomada Ciyaaraha

Erdogan oo codbixintii Turkiga kabacdi si dastuuri ah ugu madaxbannaan in uu soo saaro digreetooyin madaxweyne, awoodna u leh in uu meelmariyo, ayaa digreeto uu soo saaray ku mamnuucay isticmaalka kalmadda “Arena.”

Kooxda kubbadda cagta ee Galatasaray ayaa noqotay kooxdii ugu horraysay ee kalmadda ‘arena’ ka fujisa garoonkeeda, kuna badashay magaca “Turk Telekom Stadium.”

Arena waa kalmad af Ingiriis ah, laakiin xididkeedu yaal afka Roomaanka ama Boqortooyadii Rooma. Sida hadda loo isticmaalo ‘arena’ iyo ‘stadium’ waa isku macno, laakii waagii Roomaanka ‘arena’ waxay ahayd garoomo boqortooyada iyo shacabka lagu madadaaliyo. Madadaalooyinkaas waxaa ka mid ah kuwo dadku isku laayo, ama dadka iyo libaaxyo la isku sii daayo, lagana daawado kii adkaada.

Khudbad uu Jamcihii ka jeediyey Istanbuul, Erdogan wuxuu Wasiirka Ciyaaraha ku amray in Boqortooyadii Roomaanku aysan ahayn mid kudayasho mudan. Wuxuu kale oo ku daray in kalmadda ‘arena’ aysan af Turki ahayn. “Waa ka soo horjeedaa ‘arena’ waadna ogtihiin in aysan afkeenna meelna ka soo gelin, waadna ogtihiin wixii Roomaanku ay meelahaas ka dhigi jireen oo dadkay ku jarjari jireen oo hilbahooda lagu feenan jiray. Yeeli mayno waana ka fujinaynaa garoomadeena,” ayuu yiri Erdogan.

Cayaartooyga Turkiga ee kubadda kollayga Enes Kanter ayaa yiri Erdogan “waa Hitler-kii qarniga” kaddib markii dawladda Turkigu ay kala noqotay baasaboorkiisa asaga oo maraya dalka Roomaaniya.

Madaxweyne Erdogan ayaa si dirqi ah ku guulaystay codbixintii dastuurka ee bishii la soo dhaafay, taas oo siisay awood la mid ah mid kaligitalisnimo oo kale. Erdogan waa madaxweyne khilaaf xooggan ka dhaliyey dalka Turkiga iyo dunida reer Galbeedka, wuxuu  sannadkii la soo dhaafay ka badbaaday afgambi ciidan.

Enes Kanter                                                                               Turk Telekom Stadium

  

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com