Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Kismaayo

Axad, Luuliyo 26, 2015 (Daljir)—Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, oo si wayn loogusoo dhawayey.
 
Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Wasiirro, Xildhibaano, iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa Madaxweyne Xassan iyo waftiga la socdaykusoo dhowayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kadibna waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha dowladda ah ee la socday loo gudbiyey xarunta madaxtooda maamulkaas ee magaalada Kismaayo.
 
Qorshaha safarka Madaxweyne Xassan ee Kismaayo ayaan si dhab ah loo shaacin, hase ahate waxaa uu kusoo beegmaya xili uu go,an yahay xiriirka maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ah waxaana lagu wadaa inay Madaxweynaha iyo madaxda maamulkaas ka wada xaajoon doonaan sidii lagu xalin lahaa khilafaadka soo kala dhex-galay labada dhinaca iyo sidii looso celin lahaa xiriirka mudada dhowrka bilood ah jaran.
 
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Xassan iyo Madaxda Jubbaland ka wadahadli doonaan arrimaha Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka qabyada ah ee Dalka Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com