Dhegeyso:M/weyne ku xigeenka Puntland oo Maanta Garoowe ka furay Machad Cilmi baaris ah

Axad, Luuliyo 26, 2015 (Daljir)—Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay Mac-had cusub oo ka shaqayn doono arrimaha Soomaaliya kaasi oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen Aqoon-yahano Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.
 
Mac-hadka oo lagu magacaabo SIDRA ayaa waxaa mulkiyadiisa leh Wasiirkii hore ee Wasaaradda deegaanka Puntland Guuleed Saalac Barre, waxaana sido kale qaybka ah Asaaska Mac-hadka dad cilmi baarayaal ah iyo Aqoon-yahano.
 
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey oo furitaanka xafiiska Mac-hadka ka hadlay ayaa si durugsan uga hadlay ahmiyada Machadkan iyo faa,iidooyinka uu xanbsaarsan yahay, waxaana uu sheegay in markasta oo la helo Machado Cilmi baariseed oo xirfadaysan uu kor u kacayo horumarka dalka, islamakana laga baxayo baahiyaha loo qabo helitaanka Cilmi baaris horumarsan oo ku filan howlaha Cilmi bariseed ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo.
 
Dhegeyso codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com