Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Bahar-Daar, Itoobiya iyo Shirka Tana Forum

Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Bahar-Daar, Itoobiya iyo Shirka Tana Forum

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 21April 2017 si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Bahar-Daar ee dalka Ethiopia, iyagoona  kaga qayb gelidoona maalinimada berito  shirkii sanadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum oo looga hadlayey xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahada ee magaaladaasi ku soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha debedada dalka Itoobiya iyo madax kale oo iyana ka qayb qaadanayey soo dhoweynta madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shirkani oo socon doona mudo laba maalmooda ayaa waxaa ka qayb geli doona Ra’iisul wasaarah dalka Itoobiya iyo Madax ka socota dalalka Uganda, Sudaan, Kenya, Rwanda, South Africa iyo sidoo kale wakiilo ka socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Belgium iyo wadanka Germany.

Shirkan oo sanad kiiba lagu qabto magaalada Bahar-Daar oo lagu magcaabo Tana Form ( Tana High Level on Security In Africa) ayaa waxaa sanad kan diirada lagu saari doona arrimaha Amaanka dalka Africa, koboca dhaqaale, siyasada iyo adkaynta xidhiidhada wadamada Qarada Africa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli maxamed Cali Gaas oo xubin muhiima ka ah shirkaasi sanad walbana ka qaybgala ayaa khudbaddiisa waxa uu xoogga ku saari doonaa guud ahaan xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaan Puntland oo ay ka jirto koboca dhaqaale iyo amni oo ay kaga duwan tahay maamulada kale ee Soomaaliya.

–DHAMMAAD—                                                                                        

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com