HomeUncategorized

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Thailand iyo Findland

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Somalia Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

Ciidamada Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye ka hawl gala gobolka Sool.
Dowladda hoose ee Gaalkacayo oo hagaajinaysa nadaafada jidka laamiga ah ee magaalada (Dhegeyso)
Baahin: Arbaca, 17 July 2013, Caawa Iyo Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ~ Daljir ~ Boosaaso

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Somalia Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya.

Waxaa uu ugu horeyn, Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit.

Mr Wetprasit, ayaa noqonayaa danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku af-garteen inay ka wada shaqeyaann mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu isla maanta xafiiskiika warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Tarja Orvokki Fernandez.

Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB.

Labada dhinac waxay kaloo ka wada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö , waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Madaxweynaha ayaa labada danjire ee Thailand iyo Finland u balanqaaday in dowladda ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Kulamadaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: