Ciidamada Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye ka hawl gala gobolka Sool.

Laascaanood, Feb 23 – Ciidamada maamulka Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay weriye C/samed Kayse Maxamuud oo TV-ga af-Somaliga ku hadla ee Universal uga warami jirey degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wariyaha ayaa lagu qabtay kontaroolka koonfureed ee magaalada Laascaanood halkaasoo lagu qabtay isaga iyo koox weriyayaal ah oo u socdey hawlo shaqo.

Ciidamada Somaliland ayaa sii daayey wariyayaashii la socdey weriye C/samed Kayse iyagoo xabsiga u taxaabay wariyahan oo keliya.

Wariye C/samed Kayse oo si damaanad ah lagu soo daayey ayaa radio Daljir uga waramay xarigiisa, waxaana uu sheegay in loo geystey jirdil loo adeegsadey qiri dabadiis; sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu xiray qol ay ku sugnaayeen dad tuug ah iyo kuwo dilal gaystay.

Malyuun Axmed Xasan oo ku sugan studio-ga Daljir ee magaalada Buuhoodle ayuu khadka telephone ka ugu waramay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com