HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ku Qaabilay Dimplumaasyiin Shisheeye

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Qasriga uu ka degganyahay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wefufuud caalemi ah oo ka kala socdey Urur Goboleedka IGAD Danjire Maxamed CAbdi Afey, Midowga Yurub Michele Cervone,Midowga Afrika iyo Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOA.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo cod aqlabiyad ah ku diiday dalab qiimo kordhineed oo xukuumada uga yimid.
DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
testing ….

 

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Qasriga uu ka degganyahay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku qaabilay Wefufuud caalemi ah oo ka kala socdey  Urur Goboleedka IGAD Danjire Maxamed CAbdi Afey, Midowga Yurub Michele Cervone,Midowga Afrika iyo Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOA.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Raysul-wasaaraha Dawladda Federaalka, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Wasiiro iyo xildhibaano kaka tirsan Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubba-land.

Wufuudan ayaa Puntland u yimi sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dedaalada Nabadeed ee laga wado Magaalada Gaalkacyo ee xalka loogu raadinayo Shqaaqadii kadhalatay  dagaalkii u dhexeeyey Ciidamada Dawladda Puntland iyo Maaleeyaadka Cadaado.

Wufuudan ayaa Dawladda Puntland ku ammaanay siday uga shaqayso nabad gelyadeeda isla mar ahaantaana ay u ugu taagantahay marwalba xal u helidda shaqaaqadii kadhacday Gaalkacyo iyo sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu soo dabbaali lahaa Gobolka.

Madaxweynaha  Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wufuuda u sheegay in ay weli diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo adkaynta nabad geliyada iyo sii wadida dedaalada nabadda loogu raadinayo Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay marnaba inaanay aqbali doonin daan-daansiga iyo gardarooyinka ay wadaan maleeshiyaadka Maamulka Cadaado, isla mar ahaantaana aanay wax gor-gortana ah ka geleyn xuduudaha iyo Masiirka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaa wuxuu sii raaciyey in furaha nabaddu uu yahay runta oo lagu dhiirado lagama maarmaana ay tahay in beesha Caalamku si cad farta ugu fiiqdo cidda ka dambaysa khasaarihii kadhashay shaqaaqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: