Ergayga Midowga Yurub ee Somalia oo ka Hadlay Colaadaha Gaalkacyo

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_ Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele CervoneD’Urso ayaa gaaray magalo madaxda Mudug ee Gaalkacyo, iyagoona qayb ka noqonaya dadaalada nabadda ee magalada.

Michele CervoneD’Urso ayaa qayb ka ah shirka hadda uga socda madaxda Puntland, Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna dhankiisa muujinayaa inay taageersan yihiin dadaalada nabadda si xal waaro loogu helo xiisada taagan ee sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Sidoo kale wakiilka QM ee Somalia Nicholay Kay ayaa sheegay inay dhibayso xaalada kacsan ee Gaalkacyo ayna ku rajo weyn yihiin in guul laga gaari doono shirarka nabadda ee magalada Gaalkacyo ka socda.

Magalada Gaalkacyo waxaa soo gaarayay 24-kii saac ee lasoo dhaafay wafdiyo isagu jira dhaqan, siyaasiyiin iyo culimo, dhammaantooda xubnahaasi waxay dadaal ugu jiraan inay xal loo helo kacsanaanta magalada ka muuqata.

Michaele ayaa ku baaqay in la dhameeyo colaadda Gaalkacyo 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com