Dowladda hoose ee Gaalkacayo oo hagaajinaysa nadaafada jidka laamiga ah ee magaalada (Dhegeyso)

Gaalkacayo, November 26, 2013 – Magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug waxaa maanta ka bilowday olole nadaafadeed oo balaaran, kaasoo lagu nadiifinayo jidka wayn ee laamiga ah ee dhexmara gudaha magaalada Galkacayo.

Dowladda hoose ayaa bilowday ololaha balaaran ee lagu nadiifinayo jidka laamiga ah ee magaalada Galkacayo.

Ku xigeenka duqa degmada Galkacayo Cabdi Cismaan Faarax (Ciiro) oo la hadlay idaacada daljir, waxaa uu xaqiijiyey ololaha bilowday, waxaa uu sheegay in jidka isbedel ku yimi oo boor fara badan iyo bilic xumo laga dareemay.

Dadka degan magaalada Galkacayo ayuu mudane Ciiro ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nadaafada, isla markaasna ka qayb qaataan ololaha hagaajinta jidadka iyo weliba nadiifinta meelaha muhiimka u ah bulshada degmada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Iimaan Maxamed Jaamac oo daljir ka tirsan ayaa waraystay ku xigeenka duqa Galkacayo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com