MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND.

HomeWararka

MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida

Dowlad Goboleedyada oo kasoo horjeestay sharci ay waddo xukuumadda (Akhriso)
Warbixintii 2aad ee waxsoosaarka beeraha timirta ee Puntland (dhegayso)
Kuuriyada koonfureed oo sheegtay cudurka karoonaha inuu soo laba kacleyeey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan
Waxaa kale oo la magacaabay
B. Keydka
1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
T. Xubno Guddi
1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0