Kuuriyada koonfureed oo sheegtay cudurka karoonaha inuu soo laba kacleyeey

HomeWararka

Kuuriyada koonfureed oo sheegtay cudurka karoonaha inuu soo laba kacleyeey

Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay 205 kiis oo cusub oo coronavirus ah waa markii ugu horreysay ee ay ka sarreyso 200 tan iyo horraantii Sebtember -

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray Musawac lagu Hago Maraakiibta kusoo Hiranaya Dekadda Muqdisho
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Ka Hadlay Heshiiskii Shirkadda P&O Ports (DHEGAYSO)

Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay 205 kiis oo cusub oo coronavirus ah waa markii ugu horreysay ee ay ka sarreyso 200 tan iyo horraantii Sebtember -.

Wakaaladda Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Kuuriya (KDCA) ayaa Sabtidii sheegtay in ay soo saari doonto sharci cusub oo lagu ganaaxaayo kuwa aan xirin Afxirashada iyo agabka ka hortagga Corona virus.

Xaaladaha cusub, 166 ka mid ah ayaa laga soo gudbiyay gudaha halka 39 kalena laga helay dad ka yimid banaanka In kabadan 65 boqolkiiba kiisaska lakala qaado gudaha waxay ka yimaadeen Seoul iyo Gyeonggi, oo ah gobol ay dad badani ku nool yihiin oo u dhow caasimada.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa u aaneeyay kororka kiisaska inay yihiin shirarka iyo kulamada oo wali kasocda dalkaasi iyo dad oo diiday in ay xirtaan agabka looga hortaggo cudurka.

Labadii jeer ee ugu darnaa ee South Korea ka dilaacay COVID-19 waa bishii Febraayo iyo Ogosto waxaa lala xiriiriyay adeegyada kaniisadaha.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: