Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa dalka Turkiga

HomeWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah uu l

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah uu la kulmo dhiggiisa dalkaasi Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: