Cabdiraxmaan C/Shakuur & wafdi la socda oo gaaray Baardheere

HomeWararka

Cabdiraxmaan C/Shakuur & wafdi la socda oo gaaray Baardheere

Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini’aadannimada & Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishaku

XULASHADA DALJIR BOOSAASO (DHAGEYSI WACAN)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Magacyadda raggi werarkii Nairobi oo la shaaciyeey

Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini’aadannimada & Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Maanta gaarey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka socda dowladda Qatar ayaa halkaasi u tegay inay u kuur galaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaarta saameysay ee kunoo degmadaasi Baardheere.

Xubnaha wafdiga ayaa kormeeray xerooyinka ay degan yihiin dadka ay abaarta kasoo barakicisay degaano hoostaga degmada Baardheere, iyaga oo warbixino ka dhageystay horjoogayaasha xerooyinka.

Sidoo kale Xubnaha wafdiga ayaa la sheegay inay dadka barakacayaasha ah gaarsiiyeen deeq gargaar ah oo loogu talo galay maadaama dadka ay siweyn u saameysay abaarta.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini’aadannimada & Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u tegay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu sheegay inay kusoo arkeen dad ay abaarta siweyn u saameeysay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: