Dowlad Goboleedyada oo kasoo horjeestay sharci ay waddo xukuumadda (Akhriso)

Dowlad Goboleedyada oo kasoo horjeestay sharci ay waddo xukuumadda (Akhriso)

Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud ee maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo saaray war saxaafadeed wadajir ah oo ay walaac kaga muujiyeen qabyo qoraalka hindise sharciyeedka lagu dhisayo Hey’adda Waddooyinka oo ay wado Wasaaradda Howlaha Guud ee dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka

War-saxaafadeedkan, waxaa si wada jir ah u soo saaray: Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sida aan wada ogsoonnahay dalkeenna Soomaaliya, wuxuu doortay ku dhaqanka nidaamka federaaliga ah. Waxaana lagu heshiiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo si wada jir ahna loo ixtiraammo dastuurka ku-meelka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dastuurka ku-meel gaarka ahi, wuxuu mudnaantooda siinayaa mabaadi’da wada-shaqeynta iyo is-ixtiraamka heerarka kala duwan ee dawladaha federaalka sida ku xusan dhammaan qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qodobada 50aad, 51aad iyo 54aad.

Waxaa lama huraan ku ah dhammaan heerarka dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya in laga wada xaajoodo heshiisna laga gaaro arrimaha khuseeya siyaasadda iyo dhaqaalaha sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah.

Arrimahan, waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sharciyada lagu hagayo maamulkooda iyo maareyntooda sida (Waddooyinka, Gegooyinka dayuuradaha, dekedaha, kalluumaysiga iwm).

Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah soona shaac baxday in xunbaha golaha wasiirada ee federaalka qaarkood aanay ilaa hadda gaarin farriinta siyaasadeed, nuxurka, ujeeddooyinka iyo guud ahaan mabaadi’da uu xambaarsan yahay nidaamka federaaliga ahi.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyenta ee Federaalka, wuxuu shir lagu ansixinayo qabyo qoraalka hindise sharciyeed lagu dhisayo hay’adda waddooyinka (Draft Highway Authority Establishment Law) ku qabtay Muqdisho 15kii iyo 16kii bishan May 2018, isagoo ku casuumay inay ka soo qayb-galaan dad aan ka mid ahayn shaqaalaha kana wakiil ahayn wasaaradaha hawlaha guud ee dawlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Qabyo qoraalka sharcigan oo aan la marin heer ka mid ah heerarkii iskaashiga, wada-tashiga, go’aan gaarista iyo is-ixtiraamka lama huraanka u ahaa, waxaa wasaaraddu hawlaha guud ee federaalku, iyadoo marin habaabinaysa u soo gudbin doontaa Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Habraaca loo maray wada-tashiga sharcigan iyo ansixintiisa, waxay lid ku tahay ama khilaafsan tahay guud ahaan mabaadi’da nidaamka federaalka iyo hab-dhaqanka heerarka dawladda federaalka ah iyo sidoo kale qodobka 50aad, qodobka 51aad iyo Qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya.

Arrintan sida wasiirku u maamulay iyo habraaca uu adeegsaday ama rabo in lagu ansixiyo, waxay nagu beertay walaac, iskaashi la’aan, wada shaqeyn la’aan iyo kalsooni darro aan ka qabno wasiirka iyo hab-raaciisan aan xalaasha ahayn ee gurracan ee uu u marayo go’aan ka gaaridda iyo ansixinta sharciyada khuseeya hawlaha wasaaradaha hawlaha guud ee heerarka dawladda federaalka ah.

Waxa kaloo xusid mudan shirkii 23-28 April 2018 ee lagu qabtay Muqdisho kuna saabsanaa mashruuca Tayeynta Wasaradaha Hawlaha Guud ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee uu maalgaliyey Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank); fulintiisa ay u xilsaaran tahay haya’dda UNOPS inuu ku dhammaaday natiijo la’aan sababahan soo socda awgood:

1. Heshiiska saddex geesoodka ah ee mashruucan Tayeynta Hay’adaha Hawlaha Guud – heer Federaal, heer dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir (Tripatite Agreement for Strengthening Institutions for Public Works) oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Bankiga Horumarinta Africa iyo UNOPS 13kii Jannaayo 2017 – qodobkiisa 4aad, qaybtiisa 4.02 (ii) wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in la sameeyo guddi haga mashruucan (Project Steering Committee); wuxuuna cayimay inay xubno ka yihiin hay’adaha hawlaha guud ee kor ku xusan. Guddigan oo magacaaban, waxaan muran ku jirin in shir guddoonka guddigan uu yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federaalka Soomaaliya. Guddigan, waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay inay go’aammo ka gaaraan arrimaha ay u arkaan inay muhim u yihiin hirgelinta mashruuca. Hase yeeshee, mudadii shirkani socda, waxaa soo if-baxday:
i. in wasiirku shirkan ka hor gaaray go’aammo aan guddigu ka tashan, sida heshiiska lala galay Habitat oo qayb ka mashruucan;
ii. wasiirku, wuxuu goobta shirka ka caddeeyey inuu go’aammo gaari karo keligiis isagoo metalaya Guddiga Hagidda Mashruuca (PSC).
iii. Wasiirku, wuxuu dhagaha ka furaystay dhammaan talooyinkii laga soo jeediyey shirkaas iyo in shir-qoraal (munites of meeting) laga soo saaro.

Sidaa darteed, annagoo kalsooni buuxda ku qabna Golaha Wasiirada ee Federaalka iyo 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka inay dhowrayaan nidaamka federaalka, xeerinta Dastuurka Ku-meel Gaarka ah iyo maamul wanaagga (Good governance); waxaan go’aan ku gaarnay in aan arrimahan sida ugu sahlan ku gaarsiinno:

1. Hoggaanada Sare ee Dawlad Goboleedyada;
2. Ra’isal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada,
3. Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya:
A) Si ay u hubiyaan habraaca loo maray hindise sharciyeedyada ka hor inta aan la hor-keenin golaha wasiirada federaalka iyo 2da Aqal ee sharci dejinta; iyo

B) Si looga feejignaadu khaladaadka noocan oo kale ah oo aan markan u aragno khalad ka dhacay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada soona noq-noqon kara;

Waxaa naga go’an kuna han-weynnahay in heerarka kala duwan ee dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay sii wadaan iskaashigooda, wada-jirkooda, midnimadooda iyo in ay wada-shaqeyntoodu noqoto mid dadkeenna iyo dalkeenna u horseedda guul, horumar, barwaaqo iyo dhaxal ay ku faani karaan carruurteenna iyo jiilasha naga dambeeya. =========Dhammaad ==============================

WA BILAAHI TOWFIIQ.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com