Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay Sarkaal qarax lagu dilay

HomeWararka

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo ka hadlay Sarkaal qarax lagu dilay

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa xalay ka hadlay weerar duhurnimadii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay,

Ciyaaryahan cadaaladda daro tirsanaya oo mar kale Haylaan u safanaya
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ciidamada Afgaanistaan oo qarax lagula beegsaday magaalada Jalalabaad (dhegayso)

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa xalay ka hadlay weerar duhurnimadii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qarax Miino oo loo dhigay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed, waxaa ku geeriyooday Kabtan Falaar Liibaan Nuur oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, sidoo kalena waxa uu ahaa xubin ka tirsan golaha deegaanka Berdaale.

Madaxweyne Lafta-Gareen, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sarkaalkan, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu si gaar ah ula socon doono qoyska uu ka baxay Kabtan Falaar Liibaan Nuur oo uu ku sifeeyay nin wax badan u soo qbatay Shacabka iyo maamulka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in dhowaan duulaan ku qaadi doonaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan, wuxuuna ugu baaqay maamulada degmooyinka iyo Saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan, kana feejignaadaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: