Madaxwaynaha Jubaland iyo safiirka UK oo ka wada hadlay horumarinta Jubaland (sawiro)

HomeWararka

Madaxwaynaha Jubaland iyo safiirka UK oo ka wada hadlay horumarinta Jubaland (sawiro)

Kismaayo, 10, September, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee M

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Musharax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Qardho (Sawiro)
Midowga Africa oo Arrimaha khilaafka soomaaliya war ka soo saaray

Kismaayo, 10, September, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kula kulmay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayay tageerada ay Dowlada UK siiso Jubaland gaar ahaan adeegyada Bulshada, iyo taakulaynta dhinacyada amaanka iyo hormarka.

Inta uu kulankan socday waxaa la isla soo qaaday sidii loo joogtayn lahaa xiriirka labada dhinac isla markana ay u bilaaban lahayeen waxyaabaha ka dhiman mashaariicda ay Ingiriisku ka hirgalinayaan jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Danjire Divid Concar, waxaa ay booqdeen, dhul laga dhisayo Xarun ay yeelanayaan Sirdoonka Jubbaland oo ay maalgalinayso Dowlada Ingiriiska iyadoo safiirku uu balan qaaday in ay dadaalkooda isugu gaynayaan sidii Soomaaliya ay uga soo kaban lahayd waayahii Burburka, isla markana ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Waxaa kale oo masuuliyiintu ay si wadajir ah ula kulmeen Ururada Bulshada qaybahooda kala duwan iyadoo ay isla soo qaadeen qaabka ay usocdaan mashaariicda kala duwan ee UK ay ka hirgalinayso Jubbaland.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA

JUBBALAND, EE SOOMAALIYA

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: