Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiir Juxaa oo Shir Ka Furay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiir Juxaa oo Shir Ka Furay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland.

Munaasabadan oo hada ka socota magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socda Maamulka Jubbaland, Wakiilo ka socda Midowga Yurub iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Munaasabada lagu furayo shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ayaa jeediyay aragtiyo kala duwan oo guul looga gaari karo shirkan.

Goordhow waxaa la filayaa in madasha ay khudbado ka jeediyaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyagoo ka hadli doona ahmiyada uu leeyahay shirkaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com