Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo weli ka soo horjeeda ka qayb-galka shir Muqdisho

Kismaayo, October 21, 2013 – Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa mar kale ku celiyey in maamulkiisa aysan ka qeyb geli doonin shirka ka dhacaya Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka xili uu shirar kala duwan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin guuleed.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in ay jiraan caqabado dhowr ah oo aan weli la xalin, waxaa uu ku celceliyey in aysan garab mari doonin heshiiskii Adis Ababa ee 28 Agoosto dhexmaray dowladda iyo maamulkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdikariin xuseen guuleed iyo madaxweynaha Jubba Axmed madoobe waxay shirarkii xalay iskula soo qaadeen in shirarka dib-u-heshiisiinta jubboyinka laga qayb geliyo barre Hiiraale.

Madaxweynaha Jubba iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaa la sheegayaa in ay isku afgaran waayeen in shirka dib-u-heshiisiitna uu qayb ka noqdo Col. Barre hiiraale, waxaa kaloo uu Axmed madoobe si cad u diiday in garoonka Kismaayo laga dhoofiyo Kornaylka oo horay dagaal ula galay maamulka Jubba.

Shirarka ayaa weli socda ila wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan la xiriirnay kana agdhow shirka ayaa sheegay in weli la kala fog yahay, balse la filayo natiijada kama dambaysta ?ee shirka labbada dhinac maanta gelinka dambe ama caawa.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com