HomeUncategorized

Baarlamanka Kenya oo ku mashquulsan sidii loo xiri lahaa xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab

Dhadhaab, October 21, 2013 - Kenya ayaa weli laga dareemayaa xiisad la xiriirta xirista xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay degan yihiin qaxootiga ugu badan dunida oo ah in ka badan nus-milyan qof.

AKHRISO-Taariikh nololeedka ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Madaxweyne Gaas iyo safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo Nairobi ku shiray
London, Jan 25 – Kulan ballaaran oo ay jaaliyadda Puntland ee UK ku yeelatay magaalada London ayaa si weyn loogu taageeray go?aankii golaha xukuumadda Puntland ay xiriirka ugu jartey dawladda federalaalka ah ee Soomaaliya.

Dhadhaab, October 21, 2013 – Kenya ayaa weli laga dareemayaa xiisad la xiriirta xirista xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay degan yihiin qaxootiga ugu badan dunida oo ah in ka badan nus-milyan qof oo u badan Soomaali ka cararay dagaalada dalka ka jira.

Xilibaano ka tirsan guddiyada difaaca iyo amniga dalka Kenya iyo siyaasiyiin ayaa u ololaynaa qorshaha lagu xirayo xeryaha Qaxootiga dhabaab, waxay ku andacoodeen in ay dadka ugu badan ee argagixisada ah ku gabaadsadaan xeryaha.

Wakaalada wararka Turkiga Anadolu waxay sheegtay in Soomaalida ay qabaan cabsi xoog leh, lana filayo in Baarlamanku ka doodo arrinta qaxootiga, iyadoo xiganaysa wakaaladu siyaasiyiin iyo ganacsato Soomaalida Kenya ah ayey sheegtay in loo badinayo in dhowaan xeryaha la xiro.

?Xeryaha qaxootiga waa in ay si dhaqso ah ku xirtaa dowladda kenya, waxay ku yaalaan gudaha dalkeenna, dadka ku jira waxaa wacan in dib loogu celiyo dalkooda weliba meelaha laga saaray Al-shabaab ee amniga ah.? Ayuu yiri Xilibaan Asman Kamama oo ka tirsan Baarlamanka Kenya.

Hay?adaha Amnesty iyo Human Right watch ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa Kenya uga digay in ay qaado talaabo dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida, Amnesty ayaa ku dooday in uusan weli amniga Soomaaliya gaarin halkii la rabay.

Kenya ayaa ololeeda ka dhanka ah qaxootiga xoojisay tan iyo markii la weeraray Westgate mall oo ay dad badan ku dhinteen, isla markaasna ururka al-shabaab uu sheegtay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: