Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in DFS Ay dhabar Jabin ku Hayso maamulkiisa (dhegayso)

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in DFS Ay dhabar Jabin ku Hayso maamulkiisa (dhegayso)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dhabar jebin ku heyso maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in shalay ay u diidday in uu ka soo dego Magaalada Muqdisho,taas oo ku qasabtay in uu ka dego Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Somaliland.

Markii uu soo gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Maamulkiisa ayuu la hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo Cadaado ku soo dhaweeyay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Mamaulka Galmudug,waxaana uu ka digay in arrintaas ay sii socota.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com