Madaxweynaha Gal-Mudug oo sheegay in Maamulkiisa uu wada hadal-la Furay Puntland

Axad, September 06, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha maamulkii dhowaan  lagu yagleelay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud Cabdikariin Xuseen Guuleed oo waraysi gaar ah siinayey laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay wadahadalo laleeyihiin dowladda Puntland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay jiraan gudiyo ka kala socda Puntland iyo maamulkiisa oo ka shaqaynaya sidii ay miradhal u noqon lahaayeen wadahadalo dhexmara maamulka uu hogaamiyo iyo Puntland oo horay u sheegtay inaysan aqoonsanayn.

Madaxweynaha maamulka lagu yagleelay magaalada Cadaado wuxuu sheegay inay marwalba doonaayn wadahadal ay lashaan cidkasta oo kasoo horjeeda maamulkaasi oo ay dowladda Puntland ugu horayso, maadaama maamulkiisu sheegtay dhulka Puntland.

Dhanka kalena Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay beelaha reer guuraaga ah ee kunool gobolka Mudug inay joojiyaan dagaalada iyo colaada dhulkana ay kuwada daaqaan qaabkii ay horay ugu wada noolaan jireen.

Majiro wax hadal arrintaasi ku aadan oo kasoo baxay dowladda Puntland, oo horay dhankeeda u sheegtay inaysan wax wahadal ah lagelayn maamulka Cadaado, aqoonsana doonin ilaa uu joojinayo sheegashada dhulka iyo xuduudaha Puntland.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com